Waa maxay tabarucaha waalidka ah ee fasalku?
Guri kasta oo Children House ah, E1 iyo E2 ee fasalada Seward waxay leeyihiin hal ama in ka badan oo waalid ah oo si mutadawacnimo ah isugu xilqaamay inay noqdaan Waalidka fasalka. Waalidka Fasalku wuxuu caawiyaa dhisida bulshada isagoo qoysaska Seward ogaysiinaya dhacdooyinka iskuulka iyo fasalka.
Muxuu qaban karaa waalidka Fasalku sanadka oo dhan?
Bilowga sanadka, in aad samayso liiska xiriirka fasalka si aad ugu isticmaasho hage ahaan xiriirada. Waalidiintu waa inay filayaan email/wicitaan ka helaan waalidka Fasalka.
U shaqee in aad tahay isku xiraha u dhexeeya PTA iyo waalidiinta fasalka. Tan waxa ku jiri doona ku dirista qoraalada PTA iyo war bixinada email ahaan.
Qorshee ama wakiil u ahow kulanka fasalka ee Biknik-ga Seward Montessori ee qoyska ee dayrta (9/16) iyo dhacdada qoyska gu'ga ee Maajo.
Ku soo dhawee qoysaska cusub fasalka ee laga yaabo in ay soo galaan sanadka oo dhan.